Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Qarax gaari lagu soo xiray oo goordhaw ka dhacay magaalada Muqdisho

Waxaa goordhaw qarax gaari hoosta looga soo xiray uu ka dhacay laamiga Maka Al Mukarama ee magaalada Muqdisho gaar ahaan inta u dhaxeysa Garaashka Xaaji Baasto iyo Isgooska Shaqaalaha.

Gaariga qaraxa lagu soo xiray ayaa la sheegay in uu lahaa Sargaal katirsan ciidanka booliiska Soomaaliya, waxaana la sheegay gaariga inta uusan qarxin kahor in uu ka dagay gaariga oo laamiga dhinaciisa taagnaa.

Wali lama oga khasaaraha ka dhashay qaraxan goordhaw ka dhacay Laamiga Maka Al Mukarama , waxaana goobta uu qaraxu ka dhacay gaaray baaritaanana ka bilaabay ciidamo katirsan booliiska Soomaaliya.

Baabuurta qaraxyada hoosta looga soo xiro iyo sidoo kale qaraxyada kale ee loo adeegsado miinada wadada dhinaceeda lagu aaso ayaa maalmahan kusoo badanaya magaalada Muqdisho.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Faahfaahin: Guuleed oo kulan xasaasi ah la qaatay Safiirka Midowga Yurub (Sawirro)

Caydiid Ali

Cali Jeyte oo ka hadlay xilka loo Magacaabay & sababta uu uga tanaasulay hiiraan State

Caydiid Ali

Madaxweyne Farmaajo iyo wafdigiisa oo lagu soo dhoweeyey Doha (Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---