Allbanaadir.com
NEWSWORLD NEWS

Arday Muslimiin ah oo loo diiday iney ku tukadaan Iskuul ay wax ka bartaan

Maxkamad sare oo ku taalla dalka Kenya baabi’isay tallaabo uu Iskuul gaar loo leeyahay kaga mamnuucay ardeyda muslimiinta ah inay salaadda ku tukadaan gudaha Iskuulka ama misaajidada ku dhow.

Go’aanka maxkamadda ayaa ardeyda Iskuulka Oshwal Academy u ogolaanayaa inay hadda salaadooda ku tukan karaan Iskuulka ama misaajidada ku dhaw tan iyo inta ay maxkamadda ka soo saareyso go’aan rasmi ah.

Kooxaha u doodo xuquuqda muslimiinta ayaa sheegay in tallaabada uu qaaday Iskuulka ay ka hor imaaneyso xuquuqda gudashada waajibaadka diiniga ah isla markaasna ay tahay faquuq.

Ardayda muslimiinta ah ee wax barata iskuulkan ayaa si weyn u soo dhoweeyey go’aanka maxkamada oo ay sheegeen inuu yahay mid cadaalad ah oo ka turjumaya xoriyadaha diimaha.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Dowladda Kenya oo ka hadashay Wararka Sheegaya in Safaarad ka furaneyso Hargeysa

Cabdi Cade

Maxaad kala socotaa tirada hantida uu ka tagay Madaxweyne Mugabe?

Caydiid Ali

Madaxweyne Xasan oo ka degay Berlin kaddib martiqaad uu ka helay Olaf Scholz

Cabdi Cade
Taboola Ads ---