Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Siyaasi Caan ah oo sheegay in Dowlada dooneyso in dadka Muqdisho ka dhigto Dambiilayaal

Siyaasiga Mucaaradka ku ah dowlada uu Hogaamiyo Madaxweyne Farmaajo ee Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa shaaca ka qaaday in dowlada Soomaaliya dooneyso in shacabka magaalada Muqdisho ka dhigto dambiilayaal

Waxa uu sidoo kale sheegay Mr Warsame in dowlada talada heysa ay siyaasiyiinta iyo Xildhibaanada Mucaaradka ku tilmaameyso in Al Shabaab yihiin halka sidoo kale Ganacsade iyana lagu sifeenayo kuwa maalgaliya Al Shabaab.

Halkan ka Akhriso Qoraal kooban uu arintan uga hadlay Siyaasiga C/raxmaan C/shakuur

Fariimaha maalmahan madaxda dowladda ka soo baxay iyo xogta ay ajinabiga la wadaagayaan wuxuu ujeedkeedu yahay in dadka Muqdisho danbiilayaal laga dhigo.

Xildhibaannada iyo siyaasiyiinta oo lagu eedayo in ay Al-shabaab yihiin, ganacsatada oo lagu eedeeyo maalgelinta qaraxyada Al-shabaab, shacabka oo wada shaqayn la’aan lagu eedeeyo, kuwii gargaarka degdega ah fidinayey oo lagu eedeeyo in lagu soo dhexdhuunto, iyo saxaafadda oo buunbuunin lagu eedeeyo.

Haddii ay ka tahay in fashilka lagu qariyo waa naf la caarinimo tii ugu danbaysay, haddii ujeedo kale ku hoos jirtana waa nacasnimo hor leh, Muqdishana kuma cusba warkaan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Nin Macalin iskuul ahaa iyo darawal siyaabo kala duwan loogu dilay Muqdisho

Caydiid Ali

Weerar Khasaaro geestay oo ka dhacay magaalo kutaala dalka Holland (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade

Maxay tahay taageerada uu Axmed Madoobe weydiistay dowlada Kenya?

Caydiid Ali
Taboola Ads ---