Allbanaadir.com
NEWS

Gudoomiye Jawaari ” Maqaamka Muqdisho Saddex Nuuc midkood ayuu noqon karaa”

Gudoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya mudane Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari ayaa ka hadlay maqaamka laga yaabo in ay yeelato magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya.

Maqaamka ay yeelaneyso Magaalada Muqdisho ayaa noqotay mid muran badan ka dhashay wax xal ahna aan wali laga gaarin, Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaana horey u sheegay in iyagu leeyihiin go’aan ka gaarista Maqaamka Muqdisho.

Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari oo ka qeyb galayay dood furan oo laga baahinayay Telefishinka dowlada ayaa wax laga weediiyay Maqaamka magaalada Muqdusho iyo nuuca laga yaabo in uu noqdo.

Waxa uu sheegay Gudoomiyaha Baarlamaanka  in Maqaamka Muqdisho uu noqon doono sadex nuuc midkood, waxa uuna tilmaamay in Baarlamaanka ka shaqeenayaan go’aana ka gaari doonaan nuuca uu noqon doono Maqaamka Muqdisho.

“Maqaamka Muqdisho saddex nuuc ayuu noqon karaa , mida koobaad  inay noqoto degaan Federaal sida Washigton oo toos u hoostagta dowladda dhexe xuduudeheeda ayaana la sameynaa iyadoo xubno ku yeelaneysa kaliya Golaha Shacabka, nuuca labaad waa inay noqotaa magaalo Madax Dowlad Goboleed ah, mida sadexaadna waa inay noqotaa magaalo madax ku dhex taalo Dowlad Goboleed, marka saddexdaas qaab ayaa midkood la dooranaa waana lasameynaa waliba waxaaa lagu cadeynaa dib u eegista dastuurka.” ayuu yiri Guddoomiyaha Baarlamaanka.

Magaalada Muqdisho oo ah caasimada Soomaaliya ayaan wax matalaad ah ku laheyn Aqalka sare ee Baarlamaanka, waxaana marar badan guul dareestay qorshooyin lagu doonayay in dowlada ku cadeyso maqaamka ay yeelaneyso Muqdisho.

Dowlada Dhaxe ayaa Canshuurta ay hesho kaliya ka qaada magaalada Mudisho, mana awoodo dowlada in iyadu maamusho ama canshuur ka qaado Garoomada iyo dekaddaha kuyaala Gobolada kale ee dalka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Madaxweyne Qoor-qoor oo goor dhow soo gaaray Muqdisho iyo Laftagareen oo..

Caydiid Ali

Maxkamadda sare ee Hindiya oo Amar dul-dhigtay haweeneydii Nabiga (NNKH) aflagaadeysay

Cabdi Cade

Akhriso :Ra’isul Wasaare Kheyre oo Baarlamaanka u gudbiyay Xeerka Maamul ee Xulida Guddiga Agaasinka Bangiga Dhexe

Cabdi Cade
Taboola Ads ---