Allbanaadir.com
NEWS

Dad ay waxyeelo kasoo gaartay Kaluun oo ay cuneen oo la dhigay Isbitaalo kuyaala

Saacadihii lasoo dhaafay isbitaalo kuyaala magaalada Muqdisgo waxaa la dhigay dad ay waxeelo kasoo gaartay kuna xanuunsaday sida la sheegay Kalluun ama malaay ay cuneen.

Isbitaalka Jaziira oo kamid ah Isbitaalada kuyaala Muqdisho ayaa la dhigay shan qof oo isku qoys ahaa kuwaa oo la sheegay in ay ku xanuunsadeen Kalluun ay wada cuneen.

Dr. C/shakuur Maxamuud oo ah  Madaxa Isbitaalka Jazeera ayaa Warbaahinta u sheegay in isbitaalkooda la keenay daa weyna u sameeeen dad ku xanuunsaday kalluun ay cuneen, kuwaa uu sheegay in hada xaaladooda fiican tahay.

Isbitaalo kale oo kuyaala magaalada Muqdisho ayaa sidoo kale la geeyay dad kale oo iyana ku xanuunsaday kalluunka ay cuneen, walina lama oga waxa keenay xanuunkan laga qaadayo kalluunka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Mareykanka oo soo saaray warbixin hal arrin ku eedeysay DF iyo Al-shabaab

Caydiid Ali

Buuq hareeyay fadhigii Baarlamaanka iyo Xildhibaannada oo diiday Warqad xukuumadda…

Cabdi Cade

Ciidamada amaanka Shiinaha oo la wareegay Qunsuliyad Mareykanka ku lahaa Chengdu

Cabdi Cade
Taboola Ads ---