Allbanaadir.com
NEWSWORLD NEWS

Dagaalo culus oo ka socda Tripoli & Wararkii ugu dambeeyey (Daawo Sawirro)

Ugu yaraan 32 qof ayaa ku geeriyooday, 50 kalena way ku dhaawacmeen dagaal u dhaxeeya ciidamada dowladda Libya iyo kuwa Jeneralka isku dayaya inuu afgambiyo ee Khalifa Haftar, sida ay sheegtay dowladda.

Wasiirka caafimaadka, Ahmid Omar ayaa khasaarahan shaaca uga qaaday wareysi uu siiyey taleefishinka Libya ee Al-Ahrar.

Ciidamada Haftar oo ciidamadiisu galeen qeybo ka mid ah Tripoli ayaa sheegay in illaa iyo hadda ay ku geeriyoodeen 14 dagaal-yahan.

Dagaal xooggan oo dhaxeeyey ciidamada daacadda u ah Haftar iyo kuwa dowladda caalamka uu aqoonsan yahay, ayaa axaddii ka qarxay meel u dhow magaalada caasimadda ah ee Tripoli.

Labada dhinaca ayaa sidoo kale is-weydaarsaday duqeymo diyaaradeed maalmo kadib markii Haftar – oo taageersan maamul ka dhisan bariga Libya, islamarkaana kasoo horjeeda dowladda, uu billaabay howlgal uu ku qabsanayo magaalada caasimadda ah.

Dagaalka ayaa imanaya ayada oo QM iyo Mareykanka ay ku baaqayaan in la sameeyo xabbad joojin deg deg ah.

Libya ayaa kala qeybsaneyd tan iyo 2011 markaasi oo kacdoon ay taageereyso NATO lagu riday madaxweyne Mucamar Al-Qadafi.

Weerarka Haftar ayaa Libya madaxa usii gelinaya dagaal sokeeye, wuxuuna daaqadda ka tuuraya dadaallada diblomaasiyadeed ee xal loogu helayo shaqaaqooyinka hareeyey dalkaas.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Jinsiyada dalka Masar oo lagu heli karo in Lacag la dhigto Bangiyada dalkaasi

Cabdi Cade

Abaabul xooggan oo ka socda Muqdisho iyo Villa Somalia oo mar kale u baaqday..

Caydiid Ali

Fashilka Wasaarada Waxbarashada Maxaa Sabab u ahaa, Maxaasa la Gudboon Wasiir Goodax?

Cabdi Cade
Taboola Ads ---