Allbanaadir.com
NEWSSOMALILAND

Maxay ka wada hadleen Madaxweyne Biixi & danjire Mrs. Annett Günther? (Daawo Sawirro)

Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi, ayaa xafiiskiisa kulan kula yeeshay wefdi ka socda dalka Jarmalka oo ay hogaaminayso safiirka waddanka Jarmalka u fadhida Somalia Ambassador Annett Günther, isla mrkaana uu wehelinayo ku-xigeenkeedu Mr. Markus Bollmohr.

Kulankan uu Madaxweynuhu la yeeshay wefdiga ka socda dalka Jarmalka oo ay ku wehelinayeen wasiirrada arrrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga ah, Prof. Yaasiin Xaaji Max’uud Xiir (Faratoon) iyo arrimaha gudaha, Mudane Maxamed Kaahin Axmed ayaa diiradda lagu saaray arrimo badan oo salka ku haya xiriirka labada dal ee Jamhuuriyadda Somaliland iyo Jarmalka ka dhexeeya.

Waxyaabaha kale ee kulankan lagaga hadlay, ayaa waxa ka mid ahaa dardargelinta iyo kordhinta deeqaha uu jarmalku siiyo Somaliland, ka miro dhalinta mashaariicda horumarineed ee dawladda Jarmalku ka waddo gudaha Jamhuuriyadda Somaliland ee ay kamidka yihiin waddooyinka iyo Biyuhu.

Arrimaha doorashooyinka, Dimuqraaddiyadda, xoojinta xidhiidhka labada dal ee Somaliland iyo Jarmalka, waxbarashada iyo kalluumaysiga, ayaa iyaguna kamid ahaa waxyaabihii laga wada hadlay, waxana uu kulankaasi kusoo dhammaaday is fahan buuxa iyo guul.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Daawo Sawirada: Sida Quruxda badan ee loo xusay Aas-aaska Milatariga Soomaaliya iyo Farmaajo oo…

Cabdi Cade

Nin Carab ah oo ku caan baxay Gubista Kutaabka Qur’aanka oo isaga oo meyd ah la helay

Cabdi Cade

Madaxdii hore oo ku baaqay in wadahadal lala galo Shabaab & su’aallo adag oo la weydiiyey wasiirka amniga !!

admin
Taboola Ads ---