Allbanaadir.com
NEWS

Maxaabiis ay soo deysay dowlada Somalia oo ku soo wajahan Muqdisho (Daawo Sawirro)

Safiirka Soomaaliya ee Midowga Yurub Cali Siciid Fiqi ayaa faahfaahin ka bixiyay qeybtii labaad maxaabiis Dowladda Soomaaliya ka soo deysay xabsiyada Dalka Liibiya oo ku soo wajahan Somalia.

Danjire Cai Siciid ayaa xusay in haatan 13 qof oo ka mid ah qeybtii labaad ee Maxaabiistaasi ay dayuurad ka soo qaaday Magaalada Tripoli ee dalka Liibiya kuna soo jeedaan magaalada Muqdisho.

“Waxaa Garoonka magaalada Tripoli ee Liibiya ku sagootinay 13 qof oo dhalinyaro ah oo laga soo bixiyay xabsiyada Taruja iyo Ziika, Xamar ayay ku soo socdaan, waxay soo marayaan Tunis, ka dib Istanbul kadib Xamar ayay beri ku soo wajahan yihiin.

Danjiraha ayaa sheegay 48 kale oo hadda isqortay hawsha dib u soo celintooda lagu jiro ayna rajaynaynaa in todobaadka soo socda ay u soo ambabaxaan dalkooda.

Cali Siciid Fiqi Safiirka Soomaaliya ee Midowga Yurub ayaa xusay in dadkan la soo daayay ay yihiin kuwii ku jiray xabsiyada ku yaala goobaha ay gacanta ku hayso Dowladda Liibiya, isagoo xusay in kuwa kale ee kujira gacanta magafayaasha aan loo tagi Karin sababo dhanka ammaanka laxiriira.

Dowladda Soomaaliya ayaa dadaal ugu jirto sidii loo soo deyn lahaa dhamaan muwaadiniinta Soomaaliyeed oo ku jira xabsiyo kuyaala dalalka Caalamka.

Maalin ka hor ayay ahayd markii Garoonka Dayuuradaha Muqdisho laga soo dejiyay 76 qof oo ahaa qeybtii ugu dambeysay maxaabiis in muddo ah ku xirnayd xabsiyada dalka India.

Maxaabiis ku jirtay Xabsiyada wadamo kale, sida Itoobiya iyo Jasiiradda Seychelles ayey sidoo kale dowladu horey ugu guuleysatay waana markii ugu horeysay tiro intaasi la eg oo Maxaabiis Soomaaliyeed ah laga soo daayo xabsiyada dalal ka tirsan caalamka, dedaalka sii deynta maxaabiista Soomaalida ahna weli waa socdaa.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

(Sawirro) Israel oo weli sii wada duqeymaha Gaza & & dad hor leh oo lagu xasuuqay

Caydiid Ali

Qarax goordhaw ka dhacay Muqdisho iyo Faah faahino kasoo baxaya

Cabdi Cade

Hogaamiyaha TPLF: “Addis-Ababa inaan maamulno uma tagayno, Waxaan diyaar u nahay..

Caydiid Ali
Taboola Ads ---