Allbanaadir.com
NEWS

Xildhibaanada Baarlamanka Jubbaland oo ansixiyey go’aan iyaga ka dhan ah

Xildhibaanada Baarlamanka Jubbaland ayaa isku rogay amar iyaga ka dhan ka dib kulan ay ku yeesheen Magaalada Kismaayo.

Baarlamanka ayaa cod aqlabiyad leh ku ansixiyey qodob sheegaya inaysan ku shiri karin meel ka baxsan Magaalada Kismaayo ee xarunta KMG ee Jubbaland in laga xoreynayo caasimada rasmiga ah ee maamulkaas oo ah Magaalada Bu’aale.

Xildhibaano gaaraya 38 ayaa ogolaaay arintaasi, halka 4 xildhibaan ay diideen, sidoo kalena laba ay ka aamuseen sida uu sheegay guddoonka baarlamanka Jubbaland.

Qodobkan ayaa la sheegay inuu soo jeediyey Madaxweynaha Maamulkaas Axmed Madoobe, waxayna arrintan ku soo aadeysaa xili ay soo dhowdahay doorashada Madaxweynaha Jubbaland, iyadoo Kismaayo ay noqotay meel xildhibaanadu aysan xoriyad siyaasadeed ku heysanin.

 

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Madaxweyne Qoor Qoor oo Xaalku ku xun yahay iyo cabsi badan oo lasoo daristay

Cabdi Cade

Mooshin loogu yeerayo R/W Kheyre oo loo gudbiyay Gudoonka Golaha Shacabka

Cabdi Cade

Booliska Muqdisho oo War cusub ka soo saaray dilkii loo geystay Taliye Aadan Biid

Caydiid Ali
Taboola Ads ---