Allbanaadir.com
NEWS

Jawaari oo ka hadlay xiliga dib loo dhisayo Xarunta Golaha shacabka & lacagta ku baxaysa

Guddoomiyaha Baarlamaanka federaalka Soomaaliya Maxamed Cusmaan Jawaari ayaa soo bandhigay qorshe cusub oo lagu dhisayo guriga baarlamaanka oo ku burburay dagaaladii sokeeye.

Jawaari oo ka hadlayay barnaamij si toos ah uga baxayay talefishinka dowladda ee SNTV ayna kasoo qeybgaleen dad badan ayaa la weydiiyay sababta muddo sanooyin badan ah loo dhisi la’yahay.

“Gurigaas waa guri sharaf leh, magaciisa waxaa la yiraahdaa Golaha Ummadda, wuxuuna mudan yahay inuu yeesho guri u dhigma meqaamkiisa oo magaalo madaxda ka dhex muuqda, lacag badan ayuu u baahanyahay, waxaa isweydiin mudan sababta aan u dhex fadhino isaga oo jajaban” ayuu yiri Jawaari.

Waxaa uu intaasi ku daray in xikmaddu tahay in maadaamaa ay dadka Soomaaliyeed burburiyeen, in ay ku waano qaataan, maalin kastana ay xusuus u noqoto marka ay burburkiisa arkaan, si aanan markale loo burburin, isaga oo xusay in sida gurigaas uu u burburay, dadkuna maskaxdooda u burburtay.

Jawaari wuxuu sheegay in guriga gabi ahaantiisa la burburin doono, baarlamaankana u guuri doono meel kumeelgaar ah oo uu ku sii shaqeeyo, ka dibna la bilaabi doono dhismaha guriga.

“Bilowga sanadka soo socda dumin ayaa lagu bilaabi doonaa, lacag badan ayuu u baahan yahay, wajiga koowaad oo kaliya waa $60 milyan oo dollar, 7 dabaq ayuu noqonayaa oo xildhibaan kasta uu xafiiskiisa gaarka ah leeyahay, shirarka adduunkana lagu qabanayo, illaa 100 milyan waa gaaraysaa lacagta ku baxeysa, hadda ma hayno lacag, balse alle mahadiis dowladda Turkiga ayaa ogolaatay inay bixiso” ayuu yiri Prof Jawaari.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Farmaajo oo ka hadlay talaabada deynta looga cafiyey Soomaaliya (Akhriso)

Caydiid Ali

Shir ay ka qeyb galayaan 100 Hoggaamiye oo Nairobi ka dhacaya iyo Madaxweyne Xasan Sheekh oo…

Cabdi Cade

Mucaaradka oo soo bandhigay afar qodob oo ay hor dhigeen Raisul Wasaare Rooble

Caydiid Ali
Taboola Ads ---