Allbanaadir.com
NEWSSOUTH WEST

Madaxweyne Lafta Gareen oo magacaabay Taliyaal Ciidan (Akhriso Magacyada)

Wareegto kasoo baxday xafiiska Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta-gareen ayaa lagu magacaabay taliyaal ciidan uu yeelanayo maamulkaasi.

Madaxweynaha Koonfur Galbeed Wareegtada kasoo baxday ayaa lagu magacabaay Taliyaha ciidanka Daraawiishta Koonfur Galbeed oo loo magacaabay  Yoosin Aadan Xasan halka taliye kuxigeena loo magacaabay Cabdulle Isaaq Ibraahim.

Wareegtada ayaa sidoo kale lagu magacaabay Taliyaha howlgelinta Ciidanka Koonfur Galbeed oo loo magacaabay  Aadan Maxamed Yarow,halka Taliyaha Gaadiidka Ciidanka isna loo magacaabay Xasan Cabdinuur Aadan.

Halkan ka Akhriso Digreetada Lafta Gareen ku magacaabay taliyaasha

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Saciid Deni oo booqday qabriga Madaxweynihii hore ee Somalia (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali

Xubno ka tirsan Guddiga Dib-u heshiisiinta Galmudug oo la kulmay Waxgaradka Beesha Karanle (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade

COVID-19: Ra’isul Wasaaraha Britain oo galay xaalad deg deg ah oo Caafimaad

Caydiid Ali
Taboola Ads ---