Allbanaadir.com
NEWS

Xildhibaan sheegay in Itoobiya iyo Imaaraadka duulaan qaawan ku soo qaadeen Somalia

Xildhibaan Zakariye Maxamuud Xaaji Cabdi oo ka mid ah Xildhibaanada Baarlamanka Soomaaliya ayaa si kulul uga hadlay heshiiska lagu qeybsaday saamiga maalgeshiga dekeda Berbera oo ay wada gaareen Somaliland, Imaaraadka Carabta iyo Itoobiya.

Xildhibaan Zakariye ayaa sheegay in dowladdaha Imaaraadka Carabta iyo Itoobiya ay dagaal lagu dhaawacayo madax banaanida ah ku soo qaadeen Soomaaliya, isagoo  ku baaqay in loo midoobo sidii go’aan cad oo looga qaadan lahaa Shirkada DP World.

Sidoo kale waxa uu xusay in dowladdaha Imaaraadka Carabta iyo Itoobiya aysan qadarin madax banaanida iyo sharciyada Soomaaliya.

Xildhibaan Zakariye Maxamuud Xaaji Cabdi ayaa soo jeediyay in Xukuumada Soomaaliya ay u yeerto Safiirada dalalkaasi si wax looga weydiiyo mowqifka iyo madax banaanida Soomaaliya.

Waxa sheegay in labada golle ee Baarlamaanka la horgeynayo fara gelinta Imaaraadka iyo Itoobiya ay Soomaaliya ku hayaan.

Masuulka ugu sareeya shirkada DP world ayaa sheegay in Heshiiskan aysan waxba ka khuseyn dowladda Dhexe ee Soomaaliya, isla markaana uu ahaa Mid u dhaxeeyay Somaliland, Itoobiya iyo Shirkadda DP World, waxaana hadalkaas uu kaga jawaabayey hadal horey uga soo baxay dowlada federaalka oo sharci daro ku tilmaantay heshiiskan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com 

Related posts

Al Shabaab oo shaacisay sababtii ay u dileen Nabadoon C/risaaq Sheebal

Cabdi Cade

Magaca iyo qabiilka ninkii dhowaan isku qarxiyey saldhiga Ceel-saliini oo la shaaciyey

Caydiid Ali

Banaan baxyada looga soo horjeedo dilkii George Floyd oo gaaray Britain (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---