Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Askar ka tirsan AMISOM oo lagu dilay qarax ka dhacay gobolka Sh/hoose

Gaadiid kolonyo ah oo ay wateen ciidamada AMISOM ayaa maanta qarax waxaa lagula beegsaday degaanka Buulo mareer oo ka tirsan gobolka Sh/hoose.

Qaraxan oo loo adeegsaday miino la aasay ayaa la soo sheegayaa iney la kacday mid ka mid ah gaadiidka Gaashaaman ee ciidamada AMISOM sida dad goob joogayaal ay warbaahinta u sheegeen.

Warka ayaa intaas ku daraya in gaariga uu qabsaday qaraxa burbur xoogan uu soo gaaray, ayna ku dhinteen qaar ka mid ah ciidamadii la socday halka qaar kalena ay ku dhaawacmeen.

Goobta uu qaraxa ka dhacay ayaa waxaa isku gedaamay ciidamada AMISOM oo rasaas badan furay, waxaana masuuliyada qaraxaas sheegatay kooxda Al-shabaab.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Afhayeenkii hore ee Wasaaradda Amniga oo laga soo celiyey Magaalada Hargeysa

Caydiid Ali

Raisul Wasaarihii hore oo si adag uga hadlay hab dhaqanka Madaxweyne Farmaajo

Caydiid Ali

Madaxda Galmudug iyo Koonfur Galbeed oo Wadahadalo hoose yeeshay (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---