Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Dil maanta ka dhacay Koontarool ciidan oo kuyaala magaalada Muqdisho

Askari katirsan ciidanka booliiska Soomaaliya ee loogu tala galay in ay xaqiijiyaan amaanka magaalada Muqdisho ayaa maanta qof shcaab ah waxa uu ku dilay bar koontarool ay ciidamada booliiska ka joogeen Muqdisho.

Dilka ayaa ka dhacay bar koontarool oo taala agagaarka Daarta Saybiyaano ee degmada Hodan , waxaana askariga katirsan booliiska la sheegay in goobtaasi ku dilay nin shacab ah oo wade ka ahaa gaari u shaqeeya Turkida.

Sida aan Wararka ku helnay askariga ayaa toogtay Sharmaake Tifow, oo darawal ka ahaa gaari shaqaalaha u qaada Turkiga ka shaqeysa Muqdisho, walina lama oga sababta uu askariga u dilay ruuxan shacabka ahaa.

Askariga dilka geestay ayaa la sheegay in goobta si deg deg ah uga baxsaday, ciidamada amaanka ayaana wada howlgalo ay ku baadi goobayaan askarigan booliiska katirsanaa ee qofka shacabka ah dilka u geestay.

Ciidamada amaanka ee loogu tala galay in ay ilaaliyaan amaanka shacabka ayaa mararka qaar dil u geesta shacabkii ay u adeegi lahaayeen, waxaana dilalka ciidanka u geestaan shacabka noqdeen kuwa kusoo badanaya Muqdisho.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Maxkamada ciidanka Jubbaland oo la horkeenay rag ku eedeysan dilka C/llaahi Dalab

Caydiid Ali

Masuuliyiin katirsan Dowladda Jabuuti oo loo xiray Heshiis khiyaano ah oo ay sameeyeen

Cabdi Cade

Fal argagax leh oo ay ku kaceen ciidamada Israa’iil oo caro badan abuuray

Cabdi Cade