Al-Shabaab ayaa shaacisay magaca iyo qabiilka uu ka soo jeedo ninkii fuliyey weerarkii ismiidaaminta ahaa ee Jimcihii lala beegsaday saldhig ciidamada dowladu ku leeyihiin degmada Afgooye ee gobolka Sh/hoose.
Saldhigan oo ku dhow buundada Afgooye ayaa waxaa degenaa ciidamo ka tirsan dowlada ay tababartay dowlada Imaaraatka kuwaasoo loo diyaarinayey iney weeraro fuliyaan, balse nin watay gaaro caasi ah oo qarax laga suu buuxiyey ayaa saldhiga afaafkiisa hore isku qarxiyey.
Weerarkan oo dhacay waxyar ka hor inta aanan la gaarin salaadda jimcaha ayaa sida ay Al-shabaab shaacisay waxaa fuliyey nin ay magaciisa ku sheegeen Aadan Cali Ukumey oo loo yaqaano (Qalinle iyo Baariyow) kaasoo ka dhashay Beesha Hubeyr gaar ahaan reer Wanjele.
Wuxuu ahaa 26 jir ku dhashay degmada Qansaxdheere ee gobolka Bay, waxaana wareysi ka qaaday ninkan ka hor inta uusan fulinin weerarkan Idaacadda ku hadasha codka Al-shabaab ee Andalus isagoo sheegay inuu ku faraxsan yahay weerarkaas, uuna ALLE ugu dhowaanayo.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.comÂ