Allbanaadir.com
NEWS

Wasiir Cusmaan Saalax oo Fariin soo gaarsiiyay Madaxweyne Farmaajo (Daawo Sawirada)

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa xafiiskiisa ku qaabilay wafdi uu hoggaaminayo Wasiirka Arrimaha Dibadda ee dalka Eritrea Mudane Cusmaan Saalix iyo Lataliyaha Madaxweynaha dalkaas Mudane Yemane Gebreab.

Wafdiga ayaa Madaxweyne Farmaajo soo gaarsiiyay farriin iyo salaan ay uga sideen dhiggiisa dalka Eritrea Mudane Isaias Afwerki, iyaga oo sidoo kale warbixin ku saabsan booqashadoodii ay ku tageen Somaliland la wadaagay Madaxweynaha.

Kulanka Madaxweyne Farmaajo iyo wafdiga reer Eritrea ayaa waxa lagu lafo-guray arrimaha gobolka, dardargelinta l isdhexgalka dhaqaale ee Geeska Afrika iyo sidii ay labada dal isaga kaashan lahaayeen dhinacyada amniga, dhaqaalaha iyo siyaasadda.

Safarka wafdiga Eritrea ee magaalada Muqdisho waxa uu dabo socdaa booqashooyin ay hore ugu yimaaddeen Soomaaliya oo looga gol leeyahay xoojinta xiriirka labada dal iyo sare u qaadidda wadashaqaynta labada dowladood.

Madaxweynaha waxaa kulankan ku wehliyay Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Mahdi Maxamed Guuleed, Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah Mudane Axmed Ciise Cawad iyo Danjire Cali Saciid Faqi.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Heshiis horudhac ah oo laga gaaray colaad ka aloosneyd magaalada Baladweyne (Akhriso)

Cabdi Cade

(Sawirro) Dibed baxayaal Israailyiin ah oo is’ hortaagay kolonyo gargaar u waday Gaza

Caydiid Ali

Saraakiil ka socota Itoobiya , Jabuuti iyo Kenya oo kusoo biiray shir ka socda Muqdisho (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---