Waxaa maanta foodo iyo buuq kusoo dhamaaday kulan ay Xildhibaanada golaha shacabka ku lahaayeen xaruntooda Muqdisho, waxaana kulanka uu noqday mid lagu kala tagay kadib markii Xildhibaanada qaar diideen in kulanka uu furmo.
Xildhibaan Cabdulaahi Goodax Barre oo sidoo kale ah Wasiirka Waxbarashada Xukuumada Soomaaliya ayaa si kulul uga hadlay foodadii maanta ka dhacday xarunta golaha shacabka oo horseeday in kulanka lagu kala tago.
Waxa uu sheegay Wasiir Goodax in Xildhibaanadii maanta foodada ka sameeyay kulanka Golaha shacabka ay ahaayeen Wakiilo kooxda Al Shabaab u jooga Baarlamaanka uuna doonayo in uu ku foodeeyo howlaha Baarlamanaka.
”Wakiilo Shabaab ayaa Baarlamaanka soo dhax galay, Shabaabku waxa uu rabay in foodo ka dhacdo Baarlamaanka, waxaana u sahlay dad sheeganaya in Xildhibaano yihiin ficilkooduna Shabaabku u adeego, dadka foodada ku wada waa kuwa Shabaab u shaqeeya oo doonaya in halkan fariin uga diraan, waxaana leeyahay shacabka kuwaas wajiyadooda barta” Ayuu yiri Xildhibaan Cabdulaahi Goodax Barre.
Kulanka Baarlamaanka ee maanta buuqa kusoo dhamaaday ayaa ajnaduhu ahaa in looga doodo arimaha amaanka, waxaana kulankan in uu qabsoo fashiliyay Xildhibaano u badan kuwa mucaarad ku ah Dowlada uu Hogaamiyo Madaxweyne Farmaajo.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia
Allbanaadir@live.com