Allbanaadir.com
NEWS

Kulankii Xildhibaanada Golaha Shacabka oo fooda iyo buuq kusoo dhamaaday

Waxaa goordhaw foodo iyo buuq kusoo dhamaaday kulan ay Xildhibaanada golaha shacabka ku lahaayeen xaruntooda , waxaana kulanka looga hadli lahaa arimaha amaanka dalka gaar ahaan caasimada .

Kulanka Baarlamaanka oo saacado badan dib u dhacay ayaa markii dambe furmay kadib ,markii oo kooramka buuxsamay, waxaana xildhibaanada ugu horeyn cod u qaadeen in Warbaahinta kulanka laga saaro iyo in ay joogaan.

In ka badan 100-Xildhibaan ayaa u codeeyay in Warbaahinta banaanka looga saaro kulanka , hasa ahaatee 42-Xildhibaan  ayaa ka biyo diiday in Warbaahinta kulanka laga saaro iyagoona xirtay albaabadii wariyaasha laga saari lahaa.

Kulanka ayaa mar qura isku bedelay foodo iyo buuq, waxaana markii dambe xaalku noqday in lagu kala tago kulanka kadib markii Gudoonka golaha shacabka uu ku guul dareestay in uu xaalada dejiyo.

Xildhibaanada qaar ayaa kasoo horjeestay in Warbaahinta iyo shacabka laga qariyo la xisaabtanka Hay’adaha amaanka oo maanta ajanduhu ahaa in su’aalo laga weediyo xaalada amaan daro ee dalka gaar ahana tan Muqdisho.

Heybadii Baarlamanaka Soomaaliya ayaa u muuqda mid sii muuq beelaya, waxaana xildhibaanada ay noqdeen kuwa dantooda gaarka ah ka hor mariya tan umada ay magacooda wax ku yihiin.

 

Related posts

Madatasha Talo-wadaag oo war kasoo saartay Go’aankii Baarlamaanka ku eryeen Shirkada DP World

Cabdi Cade

Mahad & qoyskiisu dowlada Soomaaliyeed ayey cadaalad ka sugayaan! Dhacdo Murugo leh (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali

(Akhriso) Dowlada Somalia oo beenisay daraasad ay soo saartay Jaamacad ku taalla Ireland

Caydiid Ali
Taboola Ads ---