Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Wasiir Cusmaan Saalax oo goordhaw Muqdisho ku yimid Socdaal aan horey loo shaacin

Waxaa goordhaw magaalada Muqdisho soo gaaray Wafdi uu hogaaminayo Wasiirka Arrimaha Dibadda Eritrea Cusmaan Saalax , waxaana wafdigan garoonka Aadan Cadde kusoo dhaweeyay masuuliyiin dowlada katirsan.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Eritrea Cusmaan Saalax ayaa safarkiisa waxaa ku wehliya sida aan wararka ku helnay La Taliyaha Madaxweynaha Eritrea Yemane Gabreab, waxaana xubnahan loo gelbiyay xarunta Madaxtooyada Soomaaliya.

Wafdigan ka socda dowlada Eritrea ayaa maanta Muqdisho ku yimid safar aan horey loo sii shaacin, waxaana la filayaa in kulamo gaar ah la qaataan Madaxda dalka ugu sareysa sida Madaxweynaha iyo Ra’isul Wasaaraha.

Dowlada Soomaaliya ayaa la sheegay in ay ka carootay safar bishii hore magaalada Hargeysa ku tagay Wasiirka Arimaha Dibadda Eritrea, waxaana Soomaaliland sheegtay xiriir wanaagsan uu dhax maray maamulkooda iyo Eritrea.

Wasiirka Arimaha dibadda Eritrea ayaa safarka uu maanta ku yimid magaalada Muqdisho noqonaya kii sadexaad oo ku yimaado, waxaana muuqanaya in dowlada Eritrea dooneyso in ay saameyn ku yeelato Siyaasada Soomaaliya,

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Spain oo qaadatay go’aan cusub oo ka careysiiyey Israel

Caydiid Ali

Guddoomiyaha Gobolka Mudug oo si kulul ugu jawaabay odayaasha beesha Murusade

Caydiid Ali

Maxay ka wada hadleen Xasan Shiikh iyo Boqor Cabdalla Binu Xusseen?

Caydiid Ali
Taboola Ads ---