Waxaa goordhaw furmay kulanka ay Xildhibaanada golaha shacabka Soomaaliya uga hadlayaan arimaha amaanka, waxaana kulanka soo xaadiray inta badan xubnihii Gudoonka u yeereen in Xildhibaanada ku hor yimaadaan.
Kulanka Xildhibaanada Golaha shacabka ayaa furitaankiisa mudo saacad ah dib u dhacay kadib markii kooramka buuxsami waayay, hasa ahaatee kulanka ayaa markii dambe furmay kadib markii Xildhibaano badan ay gadaal ka yimaadeen.
Waxaa xarunta golaha shacabka ku sugan Wasiirka Amniga , Wasiirka Gaashanadhiga, taliyaasha ciidamada booliiska, Milatariga , iyo asluubta, waxaana kulanka ka maqan ku simaha taliyaha Hay’ada NISA Fahad Yaasiin iyo Gudoomiyaha gobolka Banaadir oo kamid ahaa xubnihii loo yeeray.
Dhinaca kale Xildhibaanada golaha shacabka ayaa u codeeyay in Warbaahinta kulanka banaanka looga saaro , Dooda iyo Su’aal weydiinta Xildhibaanada xubnaha Hay’adaha amaanka ayaana noqon doonta mid aysan shacabka wax badan kala socon.
Wxaii Warra ah ee kusoo kordha kala soco Warrakayaga dambe Insha Allah