Allbanaadir.com
NEWS

Fahad Yaasiin iyo Xubno kale oo RW Kheyre ku wehliya Safarka Mareykanka (Akhriso Magacyada)

Ra’isul Wasaaraha Xukuumada federaalka Soomaaliya Xasan Cali Kheyre iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa lagu wadaa in ay u ambo baxaan magaalada Washigton ee caasimada dalka Mareykanka.

Xasan Cali Kheyre iyo wafdiga la socda ayaa dalka Mareykanka uga qeyb galaya shirka Miiska wareegsan ee ay soo qaban qaabiyeen Bankiga Adduunka iyo Hey’adda IMF, waxaana shirkan kasoo qeyb galaya madax kala duwan.

Ra’isul Wasaaraha Soomaaliya ayaa sidoo kale inta uu joogo dalka Mareykanka la filayaa in uu la kulmo madax kala duwan uu kamid yahay La Taliyaha Amniga Qaranka ee Madaxweyne Donald Trump John Bolton.

Safarka Ra’isul Wasaare Kheyre ku tagayo dalka Mareykanka waxaa ku wehliya Wasiiro katirsan Xukuumada Soomaaliya, Lataliyaal , kusimaha Taliyaha Hay’ada Nabad sugida iyo Sirdoonka Qaranka Fahad Yaasiin iyo ubno kale.

Halkan ka Akhriso Liiska Xubnaha la filayo in Kheyre u raacaan Mareykanka

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

(Sawirro) Boliska Mareykanka oo xabsi ku guray dibed baxayaal ka careysan dagaalka Gaza

Caydiid Ali

Ardaydii ugu badneed oo Aragga la’ oo maanta u fariistay imtixaanka Shahaadiga ee dugsiga sare (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade

Dawladda UK oo shuruud adag ku xirtay iney aqoonsato Maamulka Somaliand

Caydiid Ali
Taboola Ads ---