Allbanaadir.com
NEWS

Wararkii Ugu Dambeeyay Kulanka Baarlamaanka oo Kooram la’aan wali u furmi la’

Waxaan wali furmin kulanka ay Xildhibaanada golaha shacabka maanta ku balansanaayeen in ay yeeshaan, kulankan ayaana ajandihiisu ahaa mid looga doodayo xaalada amaan ee dalka gaar ahaan Caasimada.

Kulanka ayaa la filayaa in ay Xildhibaanada hortagaan si su’aalo looga weediiyo Masuuliyiinta dowlada u qaabilsan amaanka kuwaa oo wax laga weediinayo amaan darada soo korortay iyo qorshaha la doonayo in amaanka lagu xaqiijiyo.

Xildhibaanada golaha shacabka ayaan wali wada imaan xarunta golaha shacabka, waxaana xiliga la filayay in uu kulanka furmo oo aheyd 10-ka subaxnimo dib uga dhacay kadib markii uu kooramka buuxsami waayay.

Gudoomiyaha golaha shacabka Maxamed Mursal ayaa waqtiga furitaanka kulanka ku daray saacad dheeraad ah si Xildhibaanada u yimaadaan kooramkana u buuxsamo, waxaana jirta cabsi laga qabo in kooramka buusami waayo.

Dhinaca kale Gudoomiyaha golaha shacabka ayaa sheegay in cod loo qaadayo in kulanka Xildhibaanada ay xaadir ku ahaadaan Warbaahinta iyo in dibadda loo saaro, waxaana arintaasi go’aan ka gaaraya Xildhibaanada marka uu kulanka furmo.

Waxii Warar ah ee kusoo kordha kulanka kala soco Wararkaaga Dambe Insha Allah

Related posts

Maraykanka oo digniin adag u diray Madaxweynaha cusub ee dowlada Iran

Caydiid Ali

Wararkii ugu dambeeyey xaalada Belad-weyne & khasaare ka dhashay dagaalkii saaka

Caydiid Ali

Deni: “Warka dowladu ku sheegtay inuu fashilmay shirka horey ayuu u diyaarsanaa”

Caydiid Ali
Taboola Ads ---