Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Xildhibaanada Golaha Shacabka oo maanta yeelanaya Kulan xasaasi ah iyo Warbaahinta oo..

Waxaa saakay lagu wadaa in kulan xasaasi ah yeeshaan Xildhibaanada golaha shacabka, kulanka ayaana ajandihiisu yahay mid looga doodayo amaanka dalka gaar ahaan magaalada Muqdisho.

Xildhibaanada waxaa lagu wadaa in ay hortagaan Wasiirada Amniga, Gaashaandhiga, Taliyaasha Ciidamada iyo gudoomiyaha gobolka, xubnahan ayaa su’aalo adag laga weediin doonaa arimaha amaanka.

Warbaahinta ayaa la filayaa in gudaha Baarlamaanka laga saaro inta kulanka socdo si aysan u baahin su’aalaha laamaha amaanka lagu weediinayo kulanka iyo sidoo kale jawaabaha ay bixinayaan.

Kulanka maanta ayaa xiiso gaar ah leh , waxaana Xildhibaanada su’aalo adag ku weediiyaan Wasiirada iyo taliyaasha ciidanka kuwaa oo la sheegay in ay ku fashilmeen shaqadii a Qaranka u hayeen.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Dowlada Somalia oo shaacisay howlgalo lagu laayey Shabaabkii ugu badnaa (Akhriso)

Caydiid Ali

Madaxweyne Mustafe oo war cusub ka soo saaray kala dirida ciidanka Liyu Boolis

Caydiid Ali

Xildhibaano dhaawac ah & dad kale oo laga soo badbaadiyey hotelka SYL

Caydiid Ali
Taboola Ads ---