Maxkamad ku taala Magaalada Cape Town ee dalka Koofur Afrika ayaa 35 sano oo xasbi ah ku ridday nin dalkaas u dhashay oo horey u dilay muwaadin Soomaali ah.
John Arnoldus ayaa lagu helay inuu ka mid yahay burcadda dadka dila ee dalkaasi, waxaa kaloo lagu eedeeyey falal la xiriira dhac hubeysan iyo boob.
Ninkan oo 32 jir ah ayaa muddo labo sano ah ka hor waxaa uu dilay Muwaaddin Soomaali ah oo dukaan ku lahaa Magaalada Cape Town ee dalka Koonfur Afrika.
Booliska Koonfur Afrika ayaa xeray sanadki hore waxaana ay muddo ku wadeen baaritaano la xeriira kiiskiisa iyagoo ugu dambeyn soo taagay Maxkamadada.
Xukunka John Arnoldus lagu riday 35 sano ah ayaa loo dhaliilay, waxaana sharci-yaqaanada qaar ay sheegayaan in nin uu mudnaa xabsi daa’in.
Tobanaan Soomaali ah ayaa sanad waliba waxaa dil iyo dhac loogu geystaa degaano iyo magaalooyin ku yaalla wadanka Koonfur Afrika, inta badana burcada falalkaas ku kacda lama soo qabto.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.comÂ