Allbanaadir.com
NEWS

(Daawo Sawirro) Warqad uu qoray halgamaa caan ah oo lagu iibsaday lacag aan caadi aheyn

Warqad uu qoray halgamaagii caanka ahaa ee dalka Hindiya Mahatma Gandhi, kuna saabsan nabi ciise (cs) ayaa lagu iibinayaa carwo gaar ah oo ku taala Maraykanka.

Warqadan ayuu Gandi u qoray nin baadari ah oo Maraykanka ku sugan, kaasoo ka codsaday inuu kusoo biiro diinta masiixiga, balse Gaandi uu kaga jawaabay in waxa kaliya ee uu ogyahay ay yihiin in nabi Ciise (CS) uu ahaa mid ka mid ah dadka adduunka ugu wanaagsan, iyo macalimiinta ugu fiican.

Warqadda oo uu saxiixay Gandhi ayaa waxaa la diray 6-dii April, 1926, wuxuuna u diray baadari lagu magacaabo Milton Newberry Frantz.

Warqadda ayaa waxaa lagu iibiyay lacag dhan $50,000 doolar, waxaana la fahamsan yahay inay tahay tan kaliya ee uu ka qoray moowduucan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com 

Related posts

Ukraine oo shaacisay iney soo riday 60 dayuuradood oo lagu soo weeraray (Sawirro)

Caydiid Ali

(Sawirro) Raisul Wasaaraha Soomaaliya oo la kulmay wafdi uu horkacayo Dr. Johane Carlson

Caydiid Ali

Dhismaha Cusub ee Bangiga Puntland oo si rasmi ah xariga looga jaray (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---