Madaxa shirkadda diyaaradaha samaysa ee Boeing ee dalka Maraykanka Dennis Muilenburg oo ah ayaa ugu dambeyn qiray in qaab ka mid ah hannaanka ay diyaaraddu u shaqayso ay gacan ka gaysatay labadii diyaaradood ee burburay shantii bilood ee la soo dhaafay, diyaaradahaas ayuu noocoodu ahaa 737 Max 8.
Balse wuxuu sheegay in diyaaradda 737 Max ay ka mid noqon doonto diyaaradaha ugu ammaanka badan marka ay dib u hawlgasho ee la cilad bixiyo habka ay ku shaqayso, dib u eegisna lagu sameeyo hagaha duuliyeyaasha.
Waa markii ugu horeysay ee Boenig ay qirato iney iyadu leedahay ciladiihii sababay iney soo dhacaan labada dayuuradood oo ka mid ah kuwa ay shirkadan farsameyso ee 737 Max-8.
Bishii Oktoobar ee sannadkii horana diyaarad ay lahayd shirkadda Lion Air oo duulimaad lambarkeedu ahaa JT 610 ayaa ku burburtay bad u dhaw Indonesia, waxaana ku dhintay dhammaan 189 ruux ee saarnaa.
Duulaamaadka ET-302 ayaa burburtay waxyar ka dib markii ay ka duushay magaalada Addis Ababa, waxaana ku dhintay 157 ruux ee saarnaa.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia
Allbanaadir@live.com