Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Khayre oo sheegay iney bixiyeen deymo culus oo lagu lahaa Madaxdii ka horeysey

Ra’isul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya labadii sano ee ay jirtay ay xoojisay dhaqaalaha dalka, deymihii gudaha looga lahaa dhamaantoodna ay bixisay.

Kheyre ayaa intaas ku daray in maalintii ay labo sano ka hor xilka qabteen ilaa maanta aysan jirin cid dowladda Soomaaliya ay lacago ka soo amaahatay, taas bedelkeedna ay bixiyeen boqol milyan oo dollar oo lagu lahaa dowladda oo isugu jiray mushahar ciidan iyo qandaraasyo la bixiyey.

“Maalintii aan nimid ilaa iyo hadda dowladdu ma jirto cid ay deyn ka qaadatay, waxaana ku guuleysanay inaan bixino 100 Milyan oo dowladihii hore lagu lahaa kuwaasoo sidii loogu talo galay aan loo maamulin” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare kheyre.

Dowladda Soomaaliya ayuu sheegay iney kasoo baxday dhamaan shuruudiihii ugu waaweynaa ee kobcinta dhaqaalaha dalka, aynarajaynayaan in dhowaan Somalia laga cafiyo deymaha caalamiga ah ee lagu leeyahay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

(Sawirro) Booliiska Maraykanka oo qabtay ninkii toogtay saddex arday oo reer Falastiin ah

Caydiid Ali

Lix waddan cusub oo ku biiraya Ururka BRICS oo la shaaciyay iyo Dalal Carbeed oo ku jira

Cabdi Cade

Diyaarado kusii jeeday magaalada Baydhabo oo la xanjibay iyo khilaaf xun oo…

Cabdi Cade
Taboola Ads ---