Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Jidadka Muhiimka ah ee Muqdisho qaarkood oo saaka xiran & sababta ka dambeysa

Ciidamada Booliska Soomaaliya ayaa adkeeyey amniga Magaalada e Muqdisho ka dib markii xalay qarax khasaaro geystay uu ka dhacay agagaarka dugsiga sare ee tababarka Booliska.

Ciidamada ayaa xiray qeybo badan oo ka mid ah wadada Maka Al-Mukarama iyo Wadada Buundooyinka ee dhexmarta degmooyinka Xamar Jajab iyo Waaberi ee tagta degmada Xamarweyne.

Masuuliyiin ka tirsan maamulka gobolka Banaadir ayaa sheegay in sababaha wadooyinka loo xiray ay tahay iyadoo saaka Magaalada Muqdisho lagu qabanayo tartanka Orodka gaaban ee Marathonka Sanadka 2019, kaasoo ay soo qaban-qaabiyeen Wasaaradda Dhalinyarada iyo Cayaaraha iyo Maamulka gobolka.

Tartanka Orodka gaaban ayaa ka soo bilaaban doona Isgoyska km4, isagoo ku dhamaan doona Taalada Daljirka Dahsoon, waxaana ka qeyb qaadanaya dhalinyarada magaalada Muqdisho.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Yaa Hogaaminaya Ciidanka Dowlada ee Dagaalka kula jira Kooxda Ahlu Sunna (Magacyada)

Cabdi Cade

Yaa dilay, Maxaase loo dilay Sh. Cali Dheere & shirkii Rooble & Uhuru Kenyata oo shaki dhaliyey

admin

Ciidamada Liyuu Boolis oo lagu eedeeyey iney laayeen dad ka badan 30 qof

Caydiid Ali
Taboola Ads ---