Allbanaadir.com
NEWSSOUTH WEST

Xaalad adag oo soo wajahday Qaxootiga Siiriya ee ku nool dalka Denmark

Laanta Socdaalka ee dowlada Denmark ayaa diiday inay sharciga u cusboneysiiso qaxootiga sharcigooda ku meel gaarka uu ka dhacay ee ka soo jeeda dalka Suuriya.

Dadka sharciga ka dhacay oo tagay Xarunta Laanta Socdaalka ayaa lagu wargaliyay inaan loo kordhineyn mudada sharciga isla markaana dib loo celinayo.

Dadka arintaasi la kulmay waxaa ka mid ah Hooyo ku nool caasimada Copenhagen oo heysata 3 caruur ah iyadoo loo sheegay in qoyskeeda oo dhan loo ogolaanayo inay dib u laabtaan taasi oo la yaab ku noqotay.

Hay’ada laanta Socdaalka Denmark ayaa dadkaasi u sheegtay in dalka Suuriya gaar ahaan Magaalada Dimishiq ay tahay amaan isla markana ay ku laaban karaan sidoo kale dowlada ayaa bilowday inay dib u fiiriso dadka isku dhiibay siyaasada.

Dadka loo diiday cusbooneysiinta Sharciga ayaa laga joojinayaa caawinta halka caruurtooda aysan sii wadi doonin waxbarashada maadaama uu sharcigu ka dhacay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Afduub kale oo ka dhacay Xeebaha Soomaaliya iyo dowladda Britain oo ka hadashay

Cabdi Cade

Madaxweyne Xasan oo Warqadaha aqoonsiga ka guddoomay Safiirka Cusub ee Mareykanka (Sawirro)

Cabdi Cade

C/wali Gaas oo xariga ka jaray xarumo iyo Jidad laga dhisay Magaalada Gaalkacyo (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---