Allbanaadir.com
NEWS

Munaasabad kulansatay Shahaado bixin iyo Sagootin oo lagu qabtay Jaamacadda Benadir (Daawo Sawirro)

Maalintii Axadda 4ta March 2018, Maamulka Jaamacadda Benadir ayaa Magaalada Muqdisho xaflad ballaaran oo sagootin ah ugu qabtay Macalimiin marti u ahaa oo ka yimid Jaamacadda caalamiga ah ee Afrika (International University oo Africa) ee dalka Sudan kuwaasoo muddo bil ah ku sugnaa dalka.

Macalimiintan ayaa mudada ay joogeen dalka duruus taxane ah ka bixiyey qeybta Waxbarashada sare ee Jaamacadda Benadir (Master degree) gaar ahaan dufcadii labaad ee taqasuska shareecada iyo Qaanuunka, iyadoo arintani ay ka dambeysay heshiis iskaashi oo labo sano ka hor ay kala saxiixdeen Jaamacadaha Benadir iyo International University oo Africa.

Sidoo kale Macalimiintan ayaa soo gebagebeeyey seminaar labo cisho socday oo ay u qabteen qaar ka mid ah garsoorayaasha ka howlgala Maxkamadaha dalka iyo xubno kale oo daneynayey iney ka faa’ideystaan seminaarkan.

Gudoomiye ku-xigeenka Jaamacada Benadir ahna hormuudka Kuliyadda Shareecada & Qaanuunka ee Jaamacadaas Dr. Cabdiraxmaan Xasan Cumar oo faahfaahin ka bixiyey dadaalka ay Jaamacaddu u gashay sidii dalka looga hirgelin lahaa taqasuska Shareecada iyo Qaanuunka, iyadoo la kaashaneysa Jaamacadda caalamiga ah ee Afrika, isagoo bulshada Soomaaliyeed ugu baaqay inay ka faaideystaan fursadan qaaliga ah.

Dr. Mohamed Axmed Xaaji oo ah Xiriiriyaha barnaamijka Waxbarashada sare ee labada Jaamacadood ayaa u mahad celiyey macalimiinta ka timid Sudan iyo aqoonyahannadii ka faa’iidaystay duruusta, wuxuuna xusay in taqasuska shareecada iyo Qaanuunka ee labada Jaamacadood iska kaashanayaan si weyn looga faaiideystay, guul weyna laga gaaray.

Macalimiinta ka yimid dalka Sudan oo lagu kala magacaabo Dr. Gasamalah Abdi Gafaar, Dr. Abdalla Bashiir iyo Magdi Mahguub Al-Zabayr oo iyana ka hadlay xafladdan ayaa sheegay inay aad ugu faraxsan yihiin muddadii ay dalka joogeen iyo sida walaalnimada leh ee loo soo dhoweeyey, waxayna si wayn u ammaaneen ardaydii ka faaiidaysatay duruusta ay bixiyeen oo ay sheegeen inay yihiin kuwo u soo jeeda iney dalkooda iyo dadkooda wax u qabtaan.

“Jaamacadda caalamiga ah ee Afrika iyo Jaamacada Benadir waxaa ka dhexeeya xiriir aad u qoto dheer iyo iskaashi dhinaca waxbarashada ah, waxaan rajaynaynaa in sanadaha soo socda uu sii xoogeysto” ayuu yiri Dr. Gasamalah Abdi Gafaar.

Guddoomiyaha Jaamacadda Benadir Prof. C/risaaq Axmed Dalmar oo isna xafladdan ka hadlay ayaa u hambalyeeyey dufcaddii labaad ee ardayda baratay taqasuska shareecada iyo Qanuunka, iyo garsoorayaasha seminaarka loo soo gebagebeeyey, isagoo u mahad celiyey macallimiintii ka socday Jaamacadda International University of Africa ee suurageliyey in taqasusyadan laga bixiyo Jaamacadda Benadir.

“Waxaan aad ugu faraxsanahay anigoo metelaya Jaamacada Benadir inaan ka soo qeyb galo xafladdan qiimaha leh, sharaf ayey ii tahay inaan dhex fadhino masuuliyiintii ka shaqaynaayey caddaalada Soomaliya, iyagoo muddo bil ah kala faaiideysanaayey macalimiinta ka yimid Suudan, ujeeddada howshan laga leeyahayna waxay tahay in caddaalada wadanka oo aan ognahay meesha ay taallo sare loo qaado, Waayo caddaalad haddii aysan jirin nabad iyo horumar midkoodna ma jiri karo” ayuu yiri Gudoomiyaha Jaamacadda Benadir.

Dr. Cismaan Max’uud Dufle oo ah Senator ka tirsan aqalka sare ee Baarlamanka Somalia ayaa isna xafladaas ka sheegay inuu ku faraxsan yahay sida Jaamacadda Benadir ay u xaqiijisay hirgelinta taqasuska shareecada iyo Qaanuunka, iyadoo la kaashaneysa Jaamacadda International University of Africa.

“Mahad celin balaaran waxaa naga mudan walaalaheen macalimiinta Suudan nooga yimid ee maanta nala fadhida oo runtii ku soo dhiirraday inay yimaadaan dal dagaallo iyo burbur ka jireen muddo badan, si ay aqoontooda uga faa’iideeyaan walaalahooda Soomaaliyeed” ayuu yiri Prof. Dufle oo dhinaca kale dardaaran iyo hambayo isugu daray ardayda ka faaiideysatay casharada ay bixiyeen maxalimiinta reer Suudan.

Qaar ka mid ah ardaydii qaybta taqasuska shareecada & Qaanuunka ayaa u mahad celiyey macaliminta reer Suudan ee ka socday Jaamacadda International University of Africa iyo Jaamacadda Benadir oo suurageliyay in iyagoo dalkooda jooga ay helaan taqasusyadaan, waxayna ballan-qaadeen in aqoonta ay barteen ay si hufnaan leh ugu adeegi doonaan bulshada Soomaaliyeed.

Mas’uuliyiintii ka qayb gashay Munaasabaddan ayaa shahaadooyin guddoonsiiyey Ardayda ka faa’iideysatay casharrada muddada bisha ah ay bixinayeen Macalimiinta ka yimid Suudan.

Maamulka Jaamacadda Benadir iyo ardada ayaa ugu dambeyn munaasabaddaas ku gudoonsiiyey macalimiinta ka socday International University of Africa ee dalka Suudan oo dalkooda ku laabanaya haddiyado ka koobnaa agabyada hiddaha iyo dhaqanka Soomaaliyeed, computerro iyo haddiyado kale oo qaali ah, taasoo ay si wayn ugu farxeen, waxayna munaasabadaas ku soo dhamaatay si aad u wanaagsan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com 

Related posts

Ra’isul Wasaare Xamse Barre oo shaaciyay in aysan niyad jabineen Weerada Al Shabaab

Cabdi Cade

Taliye Indha-qarshe oo si kulul uga hadlay Weerarkii lagu dilay Saraakiil ka tirsan Xoogga dalka

Caydiid Ali

Duqa Magaalada Muqdisho oo dhagax dhigay dhismaha laami cusub (Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---