Allbanaadir.com
NEWS

War cusub oo ka soo kordhay qaraxii lagu hoobtay ee afar bilood ka hor ka dhacay Zoope

Xog dheeraad ah ayaa laga soo bandhigay qaraxii ka dhacay 14kii Bishii Oktoober Isgoyska Zoobe ee Magaalada Muqdisho.

Guddiga Gurmad Qaran oo muddooyinkii dambe ku hawlanaa caawinta dadkii ay Masiibadaas saameysay ayaa xalay soo bandhigay warbixin muujinaysa saameynta ka dhalatay qaraxyadii Zoobe iyo weerarkii Hotel Naasa Hablood.

Lacag ka badan afar milyan oo dollar ayey gudigu gacanta ku dhigeen mudadaasi sida guddigan uu sheegay waxaa ka faaiideystay dadku dhow 3 kun oo qof sida uu sheegay C/llaahi Shirwac gudoomiyaha Guddigaasi oo haatan soo gebagebeeyey howlihiisa.

“Dadka aan sida tooska ah ugu adeegnay waa 3,748 qof, lacagta nasoo gashayna waa Lacag ka badan 4-Milyan inteedii ugu badneydna waan bixinay, waxaana ku bixinay agoontii dadkii laga dhintay iyo dadkii ku hanti beelay musiibadii  qabsatay 14-kii Octoober” ayuu yiri Gudoomiye Shirwac.

Tirada khasaaraha weerarkii Zoobe ayaa korortay, waxaana haatan guddigu ay shaaciyeen in dhimashadu ay gaartay illaa 655, dhaawacuna uu gaaray 303, iyadoo dadkii ku agoontoobayna ay dhan yihiin 1,547 taasoo micnaheedu yahay in khasaarihii uu sababay qaraxaas uu aad kordhay.

Qaraxii Zoobe oo ahaa kii ugu waynaa ee abid ka dhaca Afrika ayaa wuxuu saameeyay nolosha qoysas badan oo Soomaaliyeed oo ku noolaa Magaalada Muqdisho.

Dowladda Soomaaliya ayaa ku eedeysay masuuliyadda qaraxaas kooxda Al Shabaab hase ahaatee kooxdan, ma sheegan mana beenin qaraxan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com 

Related posts

Axmed Madoobe oo dalbaday Wadahadal iyo Heshiis uu la gaaro dowlada federaalka

Cabdi Cade

Somaliland oo go’aano adag ka qaadatay ka hortagga cudurka Coronavirus (Akhriso)

Caydiid Ali

Daacish: “Taliban waxay si qarsoodi ah u fulinaysaa qorshaha Maraykanka”

Caydiid Ali
Taboola Ads ---