Allbanaadir.com
NEWS

Madaxweynaha Maamulka Somaliland oo amar adag ku soo rogay golihiisa wasiirada

Madaxweynaha Maamulka Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa amar cusub ku soo rogay holihiisa Wasiirada ka dib wareegto uu soo saaray.

Wareegtada ka soo baxday Xafiiska Madaxweyne Muuse Biixi ayaa lagu amray Wasiirada Somaliland inaysan Warbaahinta la hadlin Karin fasax la’aan.

Halkii ay Warbaahinta hadalo isku marsiin lahaayeen ayaa waxaa la faray wasiirada iney adeegsaadaan qoraalo sharci ah.

Amarkan ayaa waxaa dhammaan lagu wargeliyey Golaha Wasiirada Somaliland, waxaana wasiir kasta la siiyey nuqul ka mid ah qoraalka wareegtada.

Tallaabada ayaa lagu sheegay in looga dan leeyahay xoojinta maamulka iyo wada shaqeynta, waana markii ugu horeysay ee amar noocan ah lagu soo rogo Wasiirada Maamulka Somaliland.

Wareegtan ayaa ku soo aadaysa xilli dhawaan uu khilaaf soo kala dhex galay wasiirka Warfaafinta Somaliland iyo agaasimaha telefishinka Somaliland iyagoo warbaahinta isu mariyay hadalo kulul.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com 

Related posts

DFS oo Waji cusub u yeeshay Hubkii lagu boobay Caabudwaaq

Cabdi Cade

Nin ka soo jeeda beesha Habar Gidir oo loo doortay Xildhibaan ka tirsan Somaliland

Caydiid Ali

Taliska Booliiska Somalia iyo AMISOM oo kawada hadlay Sugida amniga Doorashada (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---