Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Kulanka Baarlamanka ee Sabtida oo laga mamnuucay Warbaahinta & Sababta ka dambeysa

Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh ayaa xildhibaannada Golaha Shacabka u sheegay in maalinta Sabtida ee 6-da April laga doodi doono arrimaha Amniga dalka.

Mursal ayaa sheegay in kulankaas si gaar ah diirada loogu saari doono amniga caasimadda, maadaama ay soo jeediyeen 17 xildhibaan.

Waxaa uu sheegay in Warbaahinta aysan ka qeyb geli doonin kulanka sabtida ee looga doodayo arrimaha Amniga dalka, isagoo aan sheegin wax sabab ah.

Xildhibaanada qaar ee taageersan fekerka gudoomiye Mursal ayaa ku doodaya inuu ku saxan yahay go’aanka saxaafada looga joojiyey kulanka sabtida, maadaama waxa laga hadlayo ay yihiin arrimo la xiriira amniga Qaranka.

Balse Xildhibaano kale qaba Guddoonka Golaha shacabka ay u janjeeraan xukuumadda ayna isku dayayaan inay shacabka ka hor istaagaan ogaanshaha dooda xildhibaannada ee arrimaha amniga.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Sidee dowlada Maraykanku u aragtaa afgembiga ka dhacay dalka Sudan?

Caydiid Ali

Hantiile caan ah oo safar dalxiis hawada sare ku bixinaya $28 malyan oo doolar

Cabdi Cade

Mid ka mid ah horyaalada ugu xiisaha badan K/Cagta Yurub oo dib loo bilaabay

Caydiid Ali
Taboola Ads ---