Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Wararkii ugu dambeeyey Kulankii Baarlamanka oo goor dhow si dirqi ah ku furmay

Fadhigii Baarlamaanka federaalka ayaa goor dhow si dirqi ah kaga furmay xarunta Golaha Shacabka ee magaalada Muqdisho ka dib markii saacad uu ka dib dhacay xiligii loogu talo galay.

Kulanka ayaa waxaa soo xaadiray 156 xildhibaan, waxaana shir guddoominaya guddoomiyaha Golaha Shacabka mudane Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan oo hadal jeedintiisa bilaabay.

Guddoomiyaha Baarlamaanka ayaa fadhiga ka sheegay in xaaladda amniga looga hadli doono kulanka Sabtida soo socota ay yeelan doonaan xildhibaannada, maantana ajendaha ku kooban yahay warbixinta Guddiga Dastuurka.

Ajendayaasha kulanka oo ah laba qodob ayaa waxaa lagu soo kordhiyey qeybinta hindise sharciyeedyo fara badan oo la horkeeyay Golaha.

 

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Maxaabiis Al Shabaabnimo loo heestay oo Dil ku xukunaa oo baxsaday iyo Lacag la dul dhigay madaxooda

Cabdi Cade

Kaaliye ka tirsan Maxkamadda gobolka Banaadir oo lagu xiray Muqdisho

Cabdi Cade

Qaar kamid ah Ragii weeraray Hotelka Dusit ee magaalada Nairobi oo la aqoonsaday

Cabdi Cade
Taboola Ads ---