Kulankii Baarlamaanka Soomaaliya ayaa markii saddexaad maanta qarka u saaran inuu baaqdo, kadib markii laga dareemay inaysan xaadirin xildhibaano badan.
Waxaa xarunta Baarlamaanka tegay xildhibaanno ku dhow kontomeeyo, iyadoo guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal Sheekh oo muddo saacad ah ku daray si loo sugo xildhibaannada inay kooram noqon karaan.
Suxufiyiin ku sugan xarunta Golaha shacabka ayaa sheegay inay aad u yar tahay rajada laga qabo in kulanka maanta uu qabsoomo.
137 Xildhibaan ayuu xeer hoosaadka baarlamanku dhigayaa haddii ay yimaadaan inuu furmi doono kulanka.
Xildhibaanada ayaa xalay lagu wargeliyey inuu maanta jiro kulanka Baarlamaanka, isla markaana ajandaha uu yahay dhageysiga warbixinta Guddiga Dib u eegista Dastuurka.
La soco wixii soo kordha
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia
Allbanaadir@live.com