Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Tacshiirad dhimasho sababtay oo lagu furay doon mareysay xeebta Sh/hoose

Sida ay sheegayaan Wararka naga soo gaaraya gobolka Sh/hoose kooxo ka tirsan Al-Shabaab ayaa rasaas la dhacay doon Kalluumeysi oo maraysay inta u dhaxeysa degaanada Jilib Marko iyo Gendershe.

Guddoomiyihii hore ee degmada Marko Max’ed Cismaan Yariisow ayaa sheegay in doontaan ay lahaayeen Kalluumeysato Soomaaliyeed oo badda ka jilaabanayey.

Naaquudihii doonta ayaa ku naf waayey rasaasta, waxaana ku dhaawacmay labo ka mid ah Kalluumeysatadii la socotay.

Waxaa uu sheegay in doonta ay ku dhawaatay meelo ay xeebta kaga sugan yihiin Al-Shabaab, taasoo keenay inay ka shakiyaan ka dibna ay rasaas ooda kaga qaadeen.

Dhinaca kale, Waxaa cirka isku shareertay maciishada magaalada Marka ee xarunta Shabeelaha Hoose, halkaasoo dadka ku nool lagu soo waramayo in ay soo foodsaartay xaalad adag oo dhinaca nolosha ah.

Guddoomiyaha magaalada Marko Cabdullaahi Cali Axmed ayaa sheegay sababta keentay sare u kaca maciishadda iney tahay wadooyinka magaalada soo gala oo xiran

“Dowladdu waxay amartay in waddada xeebta marta ay xirantahay, al-shabaabna waxay ku dhawaaqeen inay xiran tahay waddada kale ee xagga Janaale marta, muddo 5 illaa 6 maalmood ka hor, taas ayaana sababtay in maciishadu kacdo” ayuu yiri.

Guddoomiyaha ayaase dhanka kale sheegay in la qorshaynayo hawlgalo ka dhan ah Alshabaab, dhibaatada jirtana ay soo afjarmi doonto maalmaha soo socda.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Maxaa ka soo baxay kulankii Golaha wasiirada Xukuumada Somalia? (Sawirro)

Caydiid Ali

Dhallinyaro Falal amniga lidi ah ka waday Muqdisho oo la xiray iyo magacyadooda oo la shaaciyay

Cabdi Cade

Qarax dhimasho & dhaawac geystay oo ka dhacay Suuq ku yaalla Sh/hoose

Caydiid Ali
Taboola Ads ---