Allbanaadir.com
NEWS

AMISOM oo lagu wareejiyay Hub ay lahaayeen oo laga soo bad baadiyay Al Shabaab (Daawo Sawirro)

Maamulka Hirshabelle ayaa maanta ku wareejiyay saraakiil katirsan ciidamada AMISOM hub ay lahaayeen Ciidankooda oo laga soo bad baadiyay dagaalyahano katirsan Al Shabaab oo jimcaha weerar ku qaaday kolonyo AMISOM ah oo marayay Duleedka Balcad.

Munaasabad kooban oo maanta ka dhacday Madaxtooyada Hirshabelle ayaa saraakiil katirsan AMISOM lagula wareejiyay hub ciidamada dowlada kasoo bad baadiyeen dagaalyahandii Al Shabaab ee weeraray ciidamada AMISOM.

Madaxweynaha maamulka Hirshabelle Maxamed Cabdi Waare oo munaasabada ka hadlay ayaa sheegay in ciidamada dowlada Soomaaliya kasoo bad baadiyeen Al Shabaab hub ay lahaayeen kadib weerar ay ku qaadeen.

Waxa uu sheegay Madaxweyne Waare in ciidamada Soomaaliya ay muujiyeen geesanimo ayna Al Shabaab kasoo furteen hub ay lahaayeen Ciidamada AMISOM, waxa uuna u mahad celiyay ciidamada dowlada ee howlgalkaasi ka qeyb qaatay.

Saraakiil katirsan Ciidamada AMISOM oo ku sugnaa Madaxtooyada Hirshabelle ayaa lagu wareejiyay labo qori oo noocoodu yahay Dhashiike oo laga soo furay gaadiid tikniko ah oo Ciidamada AMISOM looga gubay duleedka Balcad.

Al Shabaab ayaa weerar jimcihii ku qaadeen Kolonyo gaadiid ay wateen Ciidamada AMISOM gaar ahaan kuwa kasoo jeeda dalka Burundi waxa ay ku dileen askar badan, waxa ay sidoo kale ku gubeen qaar kamid ah gaadiidkii ay wateen ciidamada AMISOM.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Madaxda Galmudug iyo Koonfur Galbeed oo Wadahadalo hoose yeeshay (Sawirro)

Cabdi Cade

Facebook oo tirtay Fariin marin habaabin ah uu soo dhigay Madaxweyne Donald Trump

Cabdi Cade

Shirkaddii Shanaad oo duulimaad caalami ah ka bilowday garoonka Aadan cadde (Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---