Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Safaarada Somalia ee Berlin oo bilowday bixinta Baasaboorka Soomaaliga (Daawo Sawirro)

Safaarada Somalia ee ku taalla magaalada Berlin ee dalka Jarmalka ayaa markii ugu horeysay maanta si toos ah u bilowday bixinta Baasaboorka Soomaaliga.

Munaasabad kooban oo arintan la xiriirta ayaa lagu qabtay xarunta Safaarada, waxaana goob-joog ka ahaa furitaanka bixinta Baasaboorada agaasime ku-xigeenka hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha Somalia Abdifitah Shaawey.

Waxaa sidoo kale munaasabadan goob joog ka ahaa Ambassador Mohamud Mohamed Tifow, ku-xigeenkiisa  Eng. Mohamed Abdi Kulmiye oo horay u ahaa Qunsulkii Guud ee Qunsuliyada Somalia ee Jeddah iyo Xoghayha koowaad ee Safaarada Somalia ee Berlin Mohamed Abdi Aadan Jaalle Hoosh Dalal ayaa balan-qaaday in  ay muwaadiniinta ugu adeegi doonaan si hagar la’aan ah.

Dhowaan ayey aheyd markii Safaarada Soomaalida ee France ay bilowday sidan oo kale bixinta Baasaboorka Soomaaliga, waxayna arrintan ku soo aadeysaa xili dalalka Belgium iyo Luxamberg ay shaaciyeen inay aqaoonsadeen Baasaboorka Soomaaliga.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com 

Related posts

Dil Caawa ka dhacay Afaafka hore Masjid kuyaala magaalada Muqdisho

Cabdi Cade

Madaale oo caawa booqday suuqa X/Weyne oo dukaameysi xoogan uu ka socdo (Sawirro)

Caydiid Ali

Al Shabaab oo Weerar qaraxyo ku bilowday ku qaaday xero ay ku sugan yihiin Ciidamada ATMIS

Cabdi Cade
Taboola Ads ---