Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Kenya oo meel dhigatay go’aankii ay qaadan laheyd haddii Somalia loo xukumo Badda

Kenya ayaa la sheegay inay u qorsheysan tahay iney ku gacan seyrto hadii Maxkamadda caalamiga ah ee cadaaladda ICJ ay Somalia u xukunto badda ay sheeganeyso.

Dokumenti qarsoodi ah oo uu helay wargeyska The Standard ee ka soo baxa NairobiĀ  ayaa ayaa waxaa ku cad in Kenya ay dooneyso ka hor inta kiiska badda Soomaaliya aysan goā€™aamin Maxkamadda caalamiga ah ee cadaalladda, inay labada dhinac maraan marino kale murankooda lagu xaliyo.

Sida ku xusan dokumentiga Kenya ayaa dooneysa in marka hore labada dal uu dhex-dhexaadiyo ururka Bariga Afrika ee EAC kadibna haddii wada-hadalladaas aan xal lagu gaarina loo gudbo Midowga Afrika kadibna maxkamadda caalamiga ah.

Kenya ayaa ku doodeysa in Soomaaliya ay marka hore qasab ku tahay inay marto dhammaan marinada kale ee furan, ka hor inta kiiska aysan guda galin maxkamadda ICJ

Arintan ayaa ku soo aadeysa xili si weyn loo rumeysan yahay in Maxkamada caalamiga ah ee ICJ ay Somalia u xukumi doonto badda ay Kenya sheeganeyso taasoo ah sababta ay Kenya u diidan tahay in Maxkamada lagu kala baxo.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.comĀ 

Related posts

Wararkii Ugu Dambeeyay magacaabista Ra’isul Wasaaraha iyo Shaqsiyaad dhoor ah oo…

Cabdi Cade

Tirada dadka sanadkii hore lagu laayey qaraxyada Somalia oo la shaaciyey (Akhriso)

Caydiid Ali

Xassan Shiikh oo sagootiyey danjire Mohamed Ahmed Al-Cuthmani (Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---