Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Wasiirka Gaashaandhiga oo kulan la qaatay Saraakiil ka socotay Midowga Yurub (Daawo Sawirro)

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumaadda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Maxamed ayaa maanta kulan la qaatay Saraakiil ka socotay Midowga Yurub.

Xasan Cali Maxamed Wasiirka Difaaca ayaa Kulanka ka dib sheegay in Saraakiisha ka socotay Midowga Yurub uu kala hadlay arrimo Muhiim ah oo la xiriira Iskaashiga dhanka Ciidamada ee labada dhinac.

“Waxaan maanta kula kulmay Xafiiskeyga Saraakiil ka socotay Midowga Yurub waxaan ka wada hadalnay Arimo muhiim ah oo la Xiriira iskaashiga Milatari ee Labada Dhinac” ayuu yiri Wasiirka Gaashaandhigga XFS.

Waxaa uu xusay in sui gaar ah diirada loo saaray sidii loo xoojin lahaa howlgalada ka dhanka ah uu ugu yeeray kooxaha argagaxisada ah ee dhibaatada ku haya shacabka Soomaaliyeed.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com 

Related posts

Xubin ka tirsanaa Bankiga Dhexe ee Soomaaliya oo iscasilay iyo Puntland oo…

Cabdi Cade

Wasiirad Fowsiya oo ka hadashay wararkii ugu dambeeyey ee cudurka COVID-19

Caydiid Ali

Wadaad Dhallinyaro ahaa oo dil argagax leh loogu geestay magaalada Muqdisho

Cabdi Cade
Taboola Ads ---