Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Shaqaalaha Soomaalida ah oo loo diiday iney galaan Xarunta Xalane (Daawo Sawirro)

Shaqaalaha Soomaalida ah ee ka howlgala gudaha Xarunta taliska AMISOM ee Xalane ayaan maanta loo diiday iney galaan xeradaas.

Banaanka hore ee albaabka laga galo Xerada Xalane ayaa waxaa saaka lagu arkayey shaqaale Soomaali ah oo hor tuban kuwaasoo loo sheegay inaysan geleynin xerada gudaheeda ka dib amar ka soo baxay taliska AMISOM.

Talaabadan ayaa la sheegay iney daba socoto digniin dhinaca amaanka ah oo dhowaan ka soo baxday xafiisyada Qaramada Midoobey ee Xalane ku yaalla kuwaasoo sheegayey in laga digtoonaado weeraro argagaxiso oo soo fool leh.

Sidoo kale arintan ayaa ku soo aaday xilli todobaadyadii u dambeeyey ay weeraro qaraxyo u badan ku soo bateen magaalada Muqdisho, kuwaasoo ay ku naf waayeen dad fara badan halka qaar kalena ay ku dhaawacmeen.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com 

Related posts

Maareeyihii dekadda Kismaayo & dad kale oo ku dhintay dagaal ka dhacay Magaaladaas

Caydiid Ali

Taliyaha XDS oo booqday Kulliyada tababarka ciidamada dalka Qatar (Sawirro)

Caydiid Ali

Askar fududeyn jirtay Tahriibinta dadka Yurub galaya iyo lacag badan oo la qabtay

Cabdi Cade
Taboola Ads ---