Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Wasiir Cawad oo ka hadlay Wararka sheegaya in shaqada laga eryey Cabdullaahi Dool

Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Soomaaliya Axmed Ciise Cawad ayaa sheegay Somali inaan shaqada laga cayrin Cabdullaahi Dool oo ka tirsanaa shaqaalaha xafiiskiisa balse la beddelay dhowr sababood dartood.

Wasiirka ayaa sheegay inay sababahaas ka mid yihiin inuu muddo saddex bilood ah ka maqnaa shaqada oggolaansho la’aan iyo farriimo uu ku qoray twitter-ka, oo wasiirku sheegay inay weji gabax ku ridday wasaaradda.

Warbaahinta Soomaaliya ayaa shalay qortay in Cabdullaahi Dool uu bartiisa twitter-ka ku qoray farriin uu ku taageerayo in Soomaaliya xiriir diblomaasi la yeelato Israel, sidaasna shaqada looga eryey.

Safiirka Soomaaliya ee Geneva, Faaduma Cabdullaahi ayaa dhowaan ka aamustay qaraar golaha xuququda aadanaha ee QM uu ku cambaareeyey aqoonsiga madaxweyne Donald Trump uu dhulka Golan Heights ee Syria ugu aqoonsaday dhul Israel, taasi oo keentay in safiirka looga yeero Muqdisho.

Wasaaradda arrrimaha dibedda ee Soomaaliya, ayaa markaas kadib bayaan ku sheegtay inay mowqifkeeda rasmi ah ee buuralayda Golan Heights uu yahay in dhulkaasi ay leedahay Syria, isla markaana ay si aan sharci ahayn ku haysato dawladda Israel.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com 

Related posts

Ra’isul Wasaare maalmo kahor qaatay Talaal oo laga helay Cudurka Covid-19

Cabdi Cade

DF oo shaacisay fariimo loogu talo galay dadka ka soo gudbaya xuduudaha dalka (Akhriso)

Caydiid Ali

Dowlada Soomaaliya oo War kasoo saartay Qaraxii ka dhacay Muqdisho

Cabdi Cade
Taboola Ads ---