Allbanaadir.com
NEWS

Ciidamada booliiska oo Baaritaano ka bilaabay xaafadaha Muqdisho (Daawo Sawirada)

Ciidamada booliiska ayaa ka bilaabay xaafadaha magaalada Muqdisho howlgalo baaritaano, waxa ayna ciidamada gudaha u galeen xaafado kuyaala qaar kamid ah Degmooyinka gobolka Banaadir.

Ciidamada ayaa baarayay alaabaha guryaha dhax yaala iyo sidoo kale dadka xaafadahaasi ku sugan, waxaana howlgalka baaritaanka hada bilaabeen ciidamada amaanka uu ka duwan yahay kuwii hore.

Saraakiil katirsan booliiska gobolka Banaadir ayaa howlgalka qeyb ka ahaa, lamana soo sheegin ilaa hada cid ay ciidamada amaanka intii howlgalka ku jireen usoo qabteen fal dambiyeed.

Howlgalka ciidamada amaanka bilaabeen ayaa laga sameyn doonaa inta badan xaafadaha magaalada Muqdisho , waxaana howlgaladan bilowday looga gon leeyahay xaqiijinta amaanka caasimada Muqdisho oo maalmihii lasoo dhaafay xumaaday.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com 

Related posts

Culimo banaanka soo dhigay Gefafka iyo khaladaadka diineed ee ku jira xeerka kufsiga ee Somaliland (Akhriso)

Cabdi Cade

Saney Cabdulle oo lagu wareejiyay saldhigyo ay ka baxeen Ciidamada ATMIS (Sawirro)

Cabdi Cade

Weerar ismiidaamin ah oo goor dhow ka dhacay duleedka Magaalada Kismaayo (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---