Allbanaadir.com
NEWS

Askar Itoobiyaan ah oo ku dhimatay qarax loo dhigay kolonyo ay la socdeen

Qarax ayaa saaka la soo sheegayaa in ciidamada Itoobiya lagula eegtay degaano ka tirsan Gobolka Baay kaasoo geystay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Warka ayaa intaas ku daraya in qaraxan oo loo adeegsaday miino la aasay uu ka dhacay degaanka Aw-diinle oo ku dhow magaalada Baydhabo, iyadoo lagu qarxiyey gaadiid kolonyo ah oo ay wateen ciidamada Itoobiya.

Dad ku sugan degaanka Aw-Diinle ayaa sheegaya in qaraxa uu haleelay gaari noociisa uu yahay Ural oo ka mid ahaa gaadiidka ciidamada Itoobiya ay wateen.

Inkastoo aysan jirin warar xaqiijinaya khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay qaraxan ayaa haddana dadka degaanka waxay sheegayaan iney arkeen meydadka illaa shan askari oo ku dhintay qaraxaasi oo sidoo kale burbur xooggan gaarsiiyay gaarigii uu qabsaday.

Wararka ayaa intaasi waxa ay ku darayaan in sidoo kale ciidamada Itoobiya ay jiraan dhaawacyo kala duwan oo qaraxaasi ka soo gaaray.

Al Shabaab oo ka dambeysay qaraxa ayaa sheegatay inay dileen askar badan oo Itoobiyan ah oo la socday gaariga Uuraalka ah ee qaraxa uu qabsaday.

War ka soo baxay Shabaab ayaa waxa ay ku sheegtay ku dhawaad 30 askari oo Itoobiyaan ah inay ku dileen qaraxaasi, inkastoo aysan jirin warar madax banaan oo sheegashadan xaqiijinaya.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com  

Related posts

Soomaaliya iyo Jarmalka oo kala saxiixday Heshiis ku kacaya 19 Milyan oo Dollar (Sawirro)

Cabdi Cade

Dowlada Somalia oo dalbatay deeq dhan $230 milyan (Maxaa lagu qabanayaa?)

Caydiid Ali

Rooble: “Dad baa ka shaqeynaya iney carqalad geliyaan doorashada, kamase yeelayno”

Caydiid Ali
Taboola Ads ---