Allbanaadir.com
NEWS

Isbitaalka Banaadir oo la dhigay dad badan oo ku sumoobay boorash ay cabeen

Isbitaalka Banaadir ayaa la dhigay dad gaaraya 35-qof oo la sheegay in ay ku sumoobeen boorash ay ka cabeen goobo dadka danta yar lagu quudiyo oo kuyaala degmooyinka Waabari iyo Kaxda .

Gudoomiye ku xigeenka Arrimaha bulshadda gobolka Banaadir Basmo Caamir ayaa xaqiijisay in Isbitaalka Banaadir la dhigay dadkan ku sumoobay boorashka, waxa ayna sheegtay in ay socdaal dadaalo dadkan xaaladooda lagula tacaalayo.

Waxa ay sheegtay Gudoomiye kuxigeenka in maamulka gobolka Banaadir iyo Wasaarada caafimaadka bilaabeen baaritaano lagu ogaanayo waxa sababay in dadkan ay ku sumoobaan boorashka ay cabeen.

Maamulka gobolka Banaadir ayaa amray in laga joojiyo goobaha boorashka loogu karin jiray dadka danta yar ilaa laga ogaanayo waxa keentay in lagu sumoobo boorashka laga kariyay Kaxda iyo Waabari.

Degmooyinka gobolka Banaadir waxaa kuyaala jikooyinka dadka danta yar loogu kariyo boorash iyo soor, lamana oga ilaa hada waxa keenay in dadkan badan ku sumoobaan boorashka ay ka cabeen Jikooyin kuyaala Waabari iyo Kaxda.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com 

Related posts

DEG DEG: Boqortooyada Saudia Arabia oo go’aan ka soo saartay bisha Shawwal

Caydiid Ali

Ciidamo badan oo lasoo dhoobay Nairobi iyo Dibad baxyadii Mucaaradka oo bilowday

Cabdi Cade

Qoorqoor oo War ka soo saaray ansixinta Guddiga doorashada Galmudug

Caydiid Ali
Taboola Ads ---