Allbanaadir.com
NEWS

Xiisad dagaal oo mar kale ka taagan degmada Balcad & goobaha ganacsiga oo la xiray

Xaalad kacsanaan ah iyo dhiilo colaadeed ayaa maanta mar kale laga dareemayaa degmada Balcad ee gobolka Sh/dhexe ka dib markii Xoogag taabacsan Al-shabaab ay soo buuxiyeen meelo ku dhow degmadaas.

Ciidamada dowlada ayaa la soo sheegayaa iney difaacyo ka sameysteen hareeraha degmada Balcad si ay uga hor tagaan haddii mar kale degmadaas la soo weeraro.

Shacab fara badan oo ka baqaya in lagu dul dagaalamo ayaa la sheegay iney ka barakacayaan xaafadaha degmada Balcad qaarkood, waxaana xirmay suuqii iyo goobihii ganacsiga, kala carar badan ayaana degmadaas saameeyey.

Guddoomiyaha degmada Balcad Qaasim Furdug oo dhex socda degmada Balcad ayaa shacabka ugu baaqaya iney is dejiyaan, aysana jirin wax khatar ah.

Al-Shabaab Jimcihii ina dhaafay dagaal ku qabsatay degmada Balcad, iyagoo heystay saacado kooban, waxayna dab qabadsiiyeen xarunta Maamulka degmadaas, iyadoo dagaalkaas aay ku dhinteen dad badan oo isugu jiray shacab iyo askar.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com  

Related posts

Mashruuc lagu Dhisayo Wadooyinka Muqdisho Iyo Berbera oo Muqdisho lagu kala saxiixday (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade

Mareykanka oo isbarbar dhigay dagaalkii ku qabsaday Muqdisho & waxa Israel ku sugaya Gaza

Caydiid Ali

Magaalo ku taalla Maraykanka oo laga baadi goobayo barafka hoostiisa (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---