Allbanaadir.com
NEWS

Wasiir Cawad oo Madaxweyne Farmaajo ku matalaya shir maanta furmaya

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Danjire Axmed Ciise Cawad, isagoo ka wakiil ah Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed “Farmaajo” ayaa waxa uu hoggaaminayaa wafdiga Soomaaliyeed ee ka qeybgalaya shir madaxeedka Carbeed ee caadiga ah meertadiisa soddonaad oo maanta ka furmaya Caasimadda Tunis ee dalka Tunisia oo ay ka qeybgalayaan Boqorrada, Amiirrada iyo Madaxda Wadamada Crabeed.

Shir madaxeedka Carbeed ayaa looga hadlayaa dhowr arrimood oo ay ku jirto arrinta Falastiin, dhibaatooyinka Yemen, Suuriya, Liibiya iyo sidoo kale taageeridda Soomaaliya.

Wasiirrada Arrimaha Dibadda Carbeed waxa ay soo gabagabeeyeen kulankooda gogol xaarka ah ee Shir madaxeedka shalay oo Sabti ahayd (30 Maarso) iyagoo isla qaatay adkaynta madax banaanida Suuriya ee dhulka buuralayda Goolan, halkaasi oo Wasiir Axmed Cawad uu ka sheegay in Soomaaliya si dhammeystiran u xushmeyneyso midnimada dhuleed ee Jamhuuriyadda Carbeed ee Suuriya.

Mudane Danjire Axmed Ciise Cawad ayaa carabka ku adkeeyay in Goolan ay tahay dhul Suuriya ay leedahay oo Israa’iil ay xoog iyo sharci darro ku heysato sida uu qabo Qaanuunka Caalamiga, baaq aqoonsi oo ka soo yeerana dowlad kastana aanu waxba ka bedeleyn xaaladda.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com  

Related posts

Wasaarada Caafimaadka oo shaacisay dadkii ugu badnaa ee ka bogsaday COVID-19

Caydiid Ali

Ronen Bar oo sheegay in uu qaadayo Masuuliyada weerarkii Xamaas ku qaaday Israel

Cabdi Cade

Maxaa kasoo baxay kulankii Muqdisho ku yeesheen Wasiirada iyo Xildhibaanada Hawiye ?

Cabdi Cade
Taboola Ads ---