Allbanaadir.com
NEWS

Ciidamo gadoodsan oo qabsaday qaar ka mid ah xarumaha uu ku shaqeeyo Maamulka Puntland

Ciidamo gadoodsan oo ka tirsan kuwa birmadka Maamulka Puntland ayaa saaka la wareegay xarumihii Wasaaradda Maaliyada iyo Bankiga Puntland ku lahaa magaalada Qardho.

Sida wararku sheegayaan ciidamadan ayaa amar ku siiyey shaqaalaha xafiisyada labadaas xarumood iney joojiyaan shaqada kana baxaan, iyagoo shaqaalihii goobahaas ka howlgalayeyna ay u hogaansameen amarkan.

Gadoodka ay sameeyeen ciidamadan ayaa la sheegay inuu salka ku hayo caro ka dhalatay mushahar la’aan dhowr bilood soo jiitameysay oo heysata iyagoo doonaya iney Maamulka Puntland cadaadis ku saaraan sidii mushaharkooda loo siin lahaa.

Masuuliyiin ka tirsan Maamulka Puntland ayaa bilaabay iney kulamo la qaataan saraakiisha ciidamadan gadooday si ay ugu qanciyaan iney xeryahooda ku laabtaan, iyagoo u sameynaya balan-qaadyo la xiriira iney heli doonaan xuquuqdooda.

Ma’aha markii horeysay ee gadood noocan ah ay sameeyaan ciidamada Puntland, iyadoo inta gadoodka noocan ah uu inta badan ka dhasho mushahar la’aan ciidamada soo wajahda dhowr bilood.

 

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com  

Related posts

Somalia oo hal arrin uga mahad celisay China (Sawirro)

Caydiid Ali

Boolis ka howlgalayey Magaalo dhan oo xabsi lagu guray & Sababta ka dambeysa (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali

Qaramada Midoobay oo ka digtay musiibo cusub oo ku soo fool leh marinka Gaza

Caydiid Ali
Taboola Ads ---