Allbanaadir.com
NEWS

Xildhibaanada federaalka oo diyaarinaya Mooshin kale oo ka dhan ah heshiiska dekeda Berbera

Qaar ka mid ah Xildhibaanada Baarlamanka Somalia ayaa la sheegay inay wadaan Mooshin labaad oo ka dhan ah hashiiskii dekeda Magaalada Berbera.

Heshiiskan oo maalmahan dembe ay isa soo taraysay hadal heyntiisa ayaa waxaa saamiga maalgeshiga dekeda ku qeybsaday shirkadda laga leeyahay Imaaraadka ee DP World, Maamulka Somaliland iyo dowlada Itoobiya.

Dowlada Soomaaliya ayaa hashiiskaas ka hor timid iyadoo ku tilmaantay inuu yahay mid sharci daro ah isla markaana habraaca loo maray heshiiskaas uu yahay mid aan waafaqsanayn dastuurka iyo shuruucda kale ee dalka.

Xildhibaan Maxamuud Abukaate oo ka tirsan Golaha shacabka ayaa sheegay in qaar ka mid ah Xildhibaanada ay wadaan Mooshin ka dhan ah hashiiska Dekeda Magaalada Berbera kaasoo ay ku taageerayaan hadalkii raisul wasaare uu ku diiday heshiiskan.

Guddoonka baarlamanka ayaa hoos u dhigay moowshin kan la mid ah oo sanadkii hore xildhibaanaada Baarlamanku ka keeneen heshiiskan oo xiligaas soo shaac baxay balse aan la saxiixin, waxaana arrintaas loo sababeeyey dowlada Imaaraatka oo heshiisyo mashaariic badan looga fulinayo dalka la saxiixatay Madaxweyne Farmaajo kuwaasoo u muuqday kuwo looga dan lahaa in dowlada ugu yaraan lagu aamusiyo.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com  

Related posts

Daalibaan oo laga codsaday in aysan soo gelin Kabul ayna fursad siiyaan Wadahadal socda

Cabdi Cade

Coronavirus oo gaaray 50-ka gobol ee Maraykanka & dadka u dhintay oo sii kordhay

Caydiid Ali

Xildhibaanada oo ka wal walsan halista uga imaan karta Baraha Koontarool ee Muqdisho yaala

Cabdi Cade
Taboola Ads ---