Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Howlgal lagu burburiyey Saldhig ay lahaayeen Al-Shabaab oo ka dhacay Sh/hoose

Ciidamada dowladda ayaa sheegay iney burburiyeen saldhig kooxda Al-Shabaab ku lahaayeen Gobolka Shabeelaha hoose, halkaasoo ciidamadu tilmaameen iney ka soo abaabuli jireen falalka guracan oo ay ku dhibaateynayaan Shacabka Soomaaliyeed.

Howlgal qorshaysan oo Ciidamada amnigu fuliyeen habeenimadii 29-ka Bisha Maarso ayaa lagu burburiyay Saldhiga argagixisada Al-Shabaab ku lahaayeen degaanka Bariire ee Gobolkaasi sida ay baahisay warbaahinta dowlada oo soo xiganeysa saraakiil ciidan.

Sidoo kale, ciidamada ayaa sheegay in howlgalkaas lagu soo xiray dagaalyahan ka tirsan Al-Shabaab, waxaana inta ay ciidamada howlgalka ku guda jireen gacanta ku dhigeen qalab dagaal oo ay lahaayeen Al-Shabaab sida ay sheegeen.

saraakiisha ayaa intaas ku daray ineysan jirin waxyeelo soo gaartay Ciidanka amniga iyo Shacabka Soomaaliyeed ee deegaanka howlgalka laga fuliyay ku sugnaa.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

 

Related posts

Maxkamad amartay in Shirkadda Apple bixiso lacag dhan14 Bilyan oo Dollar

Cabdi Cade

 Sharci lagu doonayo in Ilhaan Cumar looga saaro aqalka Kongareeska oo la meel mariyay

Cabdi Cade

Cali Dheere oo Faah faahiyay Sababtii ay u dileen Madaxii Shirkada DP World ee Boosaaso

Cabdi Cade
Taboola Ads ---